Pro Jawaar” dalka waxaa uu u baahan yahay asxaab siyaasadeed

by admin | Monday, Oct 20, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka uu helo axsaab siyaasadeed oo qaab aqoon iyo waaya-aragnimo ah ku dhisan, si looga gudbo siyaasadaha ku dhisan qabiilka iyo is-kooxeysiga.

Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa tilmaamay in warbixinta uu maanta soo gudbiyay Guddiga Daraasaadka iyo Soo diyaarinta Sharciyada Axsaabta siyaasadeed ay qayb weyn ka ciyaari doonto hubinta axsaabta siyaasadeed ee uu dalku yeelanayo.

Guddoomiyaha baarlamaanka, oo hadalkan jeediyay kaddib markii xildhibannada maanta loo qaybiyay sharciga axsaabta siyaasadeedjawa ee dalka ayaa wuxuu ku boorriyay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay si ka fiirsasho leh u soo akhriyaan sharciyada, si sharcigaan uu hormuud ugu noqdo helitaanka axsaab siyaasadeed oo dib-u-dhiska dalka qayb weyn ka qaadan kara.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa soo hadal qaaday xadidaadda lagu sameynayo fasaxyada ay xildhibaannada qaadanayaan inta lagu guda jiro kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Baarlamaanka sababo la xariira howlo culus oo horyaalla golaha.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xusay in si howlaha golaha ay u noqdaan kuwa miro dhala ay muhiim tahay in la fuliyo xeer-hoosaadka u yaalla baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in la fuliyo qodobbada qeexaya ganaaxa xildhibaankii kulamada baarlamaanka ka soo daaha ama ka maqnaada muddo toddobo maalin ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!