Pro Jawaari” arrimaha oo kale inta badan wey ka dhacaan baarlamaannada caalamka

by admin | Wednesday, Nov 12, 2014

 Muqdisho:HN:–Guddoomiyaha  baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo ka hadllay buuqii ka dhashay fadhigii maalintii shalay uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay in ay tahay arrintaa mid muujineysa dimuquraadiyada iyo la kala aragti-duwanaado.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono sidda uu hadalka u dhigay shaqsiyaadka jabiyay xeer hoosaadka baarlamaanka, islamarkaana fowdad ka dhax abuuray fadhiga.

“Arrinta dhacday shirkii aan maareyn weynay waa arrin caadi ah oo baarlamanaada kale ee caalamka ay ka dhacaan, balse sida wax u dhici jireen uma dhicin, gacan ka hadal ma dhicin, waxaa rajeyneynaa in xal waara looga gaaro arrimahaas”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari oo xusay in labada dhinac ee Xildhibaanada ay aragtida ku kala duwan yihiin.

Prof. Jawaari ayaa u xaqiijiyay shacabka Soomaaliyeed Baarlamaan isku filan, isla markaana maareyn kara hogaanka siyaasada dalka,prof-jawaari isagoo ka dhawaajiyay in dadaal badan loo soo galay dhismaha Baarlamaanka oo matala shacabka Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka wuxuu leeyahay xeer hoosaad, cid ala cidii ku geftay waxaa la marinayaa arrimaha sharciga, si adag ayaana loo maamuli doona, arrimaha na horyaala waa la dhameystiri doonaa”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah jirin, isla markaana dhowaan la isku soo noqon doono, ayna shacabka ku kalsoonaadaan Baarlamaankooda.

Shalay ayay aheyd markii fadhigii baarlamaanka uu ku dhamaaday buuq iyo sawaxan, kadib markii Xildhibaano diidanaa mooshinka laga keenay Xukuumada ay sameeyeen fowdo, taasoo keentay in Gudoonka Baarlamaanka uu maareyn waayo shirka, lana soo xiray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!