Pro Jawaari” dalka ma xamili karo khilaaf la mid ah kii aynu soo dhaafnay oo kale

by admin | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho : HN :– Guddooamiyaha baarlamaanka Soomaaliya  Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin wixii hadda ka danbeeyay khilaaf la mid ah sidda uu hadalka u dhigay kii labadii bilood aynu soo dhaafnay oo kale.

“Ra’yi kala duwanaansho waa wax caad ah oo laga tashan karo, laakiin dalkeena ma xamili karo khilaaf iyo xasilooni dari siyaasadeed dambe oo la mid ah tii aan u soo goob joog aheyn labadii bilood ee la soo dhaafay, alle ayaa naga asturay mooyaane halis baa dalkeena qarka u saarnaa”ayuu yiri Jawaari oo cadeeyay in khilaafka uu saameyn ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Pro Jawaari  ayaa sheegay in khilaafyada noocaan oo kale ah aan ku habooneyn heybada hey’adaha dowladda iyoJawaariSomali_PM_Speaker sumcada Madaxtinimada dalka, isagoo xusay inay tahay lagama maarmaan in la iska ilaaliyo khilaaf dambe

“Khilaafyada wax dalka u roon ma ahan, ma ahan wax heybada hey’adaheena ku haboon, ma ahan dhaqan iyo sumcad madaxnimadeena u fiican, waxaa lagama maarmaan ah inaan mustaqbalka iska ilaalino khilaaf nooc kastaba leh, gaar ahaan in laga digtoonaado khilaafka ka dhex dhasha laanta fulinta waayo wuxuu saameyn ku yeelanayaa golaha shacabka oo ah laf dhabarka jiritaanka dowladnimadeena, arrimahan waa in aysan mar dambe dib u dhicin”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa labo garab u kala qeybsamay markii uu khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo jahwareer iyo fowdo uu galay kulamadii Baarlamaanka ee la doonayay in looga doodo mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadii C/wali Sheekh Axmed oo ugu dambeyn 6-dii bishan uu Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay.

Khilaafyada soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa soo taxnaa tan iyo markii sanadkii 2000 Carte lagu soo dhisay dowladdii uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan, waxaana 14-kii sano ee u dambeysay dalka soo maray ilaa 11 Ra’iisul Wasaare oo ay ugu dambeyso dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo mareysa Ra’iisul Wasaarihii 3aad.

 Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!