Pro Jawaari” ma aqbali doono natiijo kasta oo ka soo baxday shirka Baydhabo

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Muqdisho : HN :–War-saxaafadeed saakay ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari aprof-jawaariyaa lagu sheegay in inaanan la qaban karin doorasho inta ay dowladda Soomaaliya ka hubinayso inay si buuxda uga wada-qeyb qaataan qeybaha bulshada go’aan ka gaarista masiirka iyo maamul u dhisidda gobollada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka.

“Iyadoo la raacayo go’aankii hore waxaa looga digayo guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur-galbeed inay ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur-galbeed iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad, xasilooni-darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada dowladda ee kor ku xusan inaysan aqoonsan doonin dowladda Soomaaliya, taasina ay xad-gudub ku noqonayso dastuurka dalka qodobkiisa 48-aad, farqada 2-aad ee siinaysa xukuumadda awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka.

“Wixii caqabad ah ee kasoo baxa shirka waxaa mas’uuliyadiisa iyo cawaaqib xumadiisa qaadi doonaan ciddii ku xad-gudubta go’aammada dowladda ka soo baxay,” ayaa lagu soo afjaray warsaxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka madaxda Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horjeestay ergooyinka shirku uga socdo Baydhabo, iyagoo ku adkeystay in shirkooda ay sii wadayaan, iyadoo maantana lagu ballansan yahay in la doorto madaxweynaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!