Guddoonka baarlamaanka oo sheegay in maalinta Sabtiga ah xukuumada la horkeenayo xildhibaannada

by admin | Wednesday, Jan 14, 2015

Muqdisho : HN :—Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in horaanta todobaadka soo socda la horkeeni doono Xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, si codka kalsoonida loogu qaado.

Kaddib kulan maalintii shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada baarlamaanka ayaa waxay ku go’aamiyeen xilliga uu ra’iisul Wasaaraha horkeeni doono golihiisa wasiirada cusub iyo barnaamijkiisa xukuumada

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in gudoonka uu go’aan ku gaaray inJawaariSomali_PM_Speaker maalinta Sabtida ee soo socoda la horkeeno golaha wasiirada cusub.

“Guddoonka waxa uu soo saaray in maalinta Sabtiga ah ee soo socota in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu Baarlamaanka horkeeno golaha wasiirrada cusub iyo barnaamijka Xukuumadda oo kooban, iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga Shanaad ee Barlamaanka Soomaaliya”ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay kulanka ka soo qeyb galaan si codka kalsoonida loogu qaado Xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwan Xukuumada cusub, iyadoo xildhibaano dhowr ah oo shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay taageeraan Xukuumada, halka kuwa kalena ay ka soo horjeesteen kuna hanjabeen inay codka kalsoonida u diidayaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!