Pro Jawaari” madaxweynaha waa in uu 30 cisho ku soo magacaabaa ra’iisal wasaare cusub

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho : HN :– Shacabka Soomaliyeed ayaa tan subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay siweyn ugu dhag-taagayeen ugu danbeyntii go’anka ka soo bixi doona fadhigii ay maanta ku yeesheen xarunta golllaha shacabka mudanayaasha baarlamaanka, kaasoo cod kalsoonida loogu qaadayay xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiwali.

Laakiin ugu danbeyntii natiijada kulankii baarlamaanka maanta oo Sabti ah 06 Dec. 2014 waxaa ay ku soo dhamaatay in xildhibaannaduJawaariSomali_PM_Speaker codka kalsoonida kala noqdaan xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal waasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa natiijada kaddib faray madaxweynaha in uu dikireeto ku soo saaro in ay meesha ka baxday xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdiwali, islamarkaana looga fadhiyo madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud in uu mudo 30 cisho ah ku soo magacaabo ra’iisal wasaare soo dhisi xukuumad cusub si loo dardar-galiyo howlaha inta dhimin.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca xafiiska ra’iisal wasaaraha codka kalsoonida lagala laabtay ee Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waloow uu horay u sheegay in uu ku qanci doono natiijada baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!