Pro Jawaari oo amray in la hakiyo shirka dhismaha maamulka saddexda gobol

by admin | Saturday, Nov 1, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa ku amray hogaanka shirka dhismaha maamulka saddexda gobol in la hakiyo shirka, kaddib wadda hadalo sidda la sheegay u bilaawday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol.

Maamulka lixda gobol ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa siweyn uga soo horjeeda shirka ka soconaya magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo maamulka lixda gobol, waxaana marar badan halkaa ka dhacay rabashado iyo dibadbaxyo dhismasho sababay.

Amarka guddoomiyaha baarlamaanka ee ah in la hakiyo shirka ilaa laga hubinayo wadda hadallada socoda ayaan shaqeyn kaddib markiiprof-jawaari hogaanka ergada shirka ay ku gacan-seyreen amarka guddoomiyaha baarlamaanka iyaga oo maanta halkoodii ka sii watay wada hadallada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa furitaankiis shirka ka soconaya Baydhabo ku baaqay in fursad la siiyo garabka kale ee shirka ka maqan haddii loo baahdana waqti la siiyo si loo hubiyo in shirku noqdo mid loo wadda dhan yahay.

Lama oga tallaabada laga yaabo in uu qaado guddoomiyaha baarlamaanka Soomaalya madaama an waxba dhag -jalaq loo siin amarkii uu soo saaray ee ahaa shirka mudo kooban hakad la galiyo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!