Pro Jawaari oo fariin u dirray dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab

by admin | Sunday, Dec 21, 2014

Muqdisho : HN :–Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dhalinyarrada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-shabaab wali yihiin sidda uu hadalka u dhigay la saamixi karo.

Pro Jawaari ayaa tusay dhallinyarada in ay joogan dalkooda oo xor ah,waxuuna way diiyay cida ay la dagaallaayaan,isagoona sheegay inay ka faa’ideystan cafiska oo ay isaga soo baxaan islaamiyiinta ka dagaallamaya dalka.

Waxaa ugu baaqay inay dhigaan qoriga oo ay dowladda faderaalka Soomaaliya isku soo dhiiban,maadaama uu sheegay wali inuu furan yahay cafiskii loo fidiyay cida ka soo tagaysa Al-shabaab.

“Dowladda haddii aad ku soo biirtaan waxaa la idiin siinayaa waxbarasho iyo Daryeel,Bal isweydiiyay Sababta idin kuprof-jawaari kaliftay in aad Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah aad u dileysaan,”ayuu yiri Maxamed.

Hadalkan guddoomiyaha waxaa uu ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo loogu dabal-degayay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo 71 sanno jirsaday.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda ayaa dhowr mar warbaahinta u mariyay dhallinyarada ka garab dagaallamaysa Al-shabaab inay fursad u helayaan isi soo dhiibida dowladda,iyagoo helaya nolal dhameystiran oo an wal wal lahayn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!