Pro Jawaari oo ka digay in ciidammo ka socda Sierra Leone la keeno Soomaaliya

by admin | Thursday, Oct 23, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ciidamo ka socda Seirra Leone aan dalka la keeni kari, sababo la xiriira inuu dalka ka dilaaco cudurka Ebola.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Baarlamaanka, isagoo cadeeyay in hadii cudurka Ebola uu soo galo Soomaaliya uu si ba’an uga faafayo.

“Ciidammada ka socda Seirra Leone dalka lama keeni karo, xataa kuwa hada joogo ciidan kale laguma bedeli karo, waayo ma rabno in cudurka Ebola uu Soomaaliya soo galo”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Mr Jawaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay iyadoo ka naxeysa shacabkeeda aan Ciidamada Seirra Leone ee qeybtaJawaariSomali_PM_Speaker ka ah howl galka AMISOM, lagu bedeli karin ciidamo kale, taasna ay kala hadleen Midowga Afrika, isla markaana ay warqad u qoreen dowladda Seirra Leone

“Warqad ayaan u qornay Dowladda Sierra leone oo aan uga dalbaneyno in amarkeena la tixgelyo ,xitaa Saraakiil Kormeer uga imaaneysa Sierra leone oo Soomaaliya imaan karta ma jiraan”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ciidamo gaarayay ilaa sideed boqol oo ka socday Sierra Leone, una diyaarsanaa inay bedelaan ciidamada ku sugan Jubooyinka ayaa la sheegay in mid ka mid ah laga helay cudurka Ebola, taasoo keentay in la hakiyo ciidamadii Soomaaliya u soo socday.

Wadamada galbeedka Afrika ku yaal ayaa faro ba’an waxaa ku haya cudurka Ebola, waxaana dalalka Liberia, Seirra Leone iyo Guinea uu ku dilay ilaa afar kun oo ruux, waxaana cudurkan uu ku sii faafayaa wadamada reer galbeedka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!