Pro Jawaari oo la kulmay safiirka Britain ee Soomaaliya

by admin | Saturday, Sep 5, 2015

Muqdisho : HN :–Kulankan oo ka dhacay hooyga uu guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka degen yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Danjire Harriet Mattews oo ah safiirka Britain ee Soomaaliya  u gudbisay guddoonka baarlamaanka walaaca ay dowladda Britain  ka qabto xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya oo ka dhashay mooshin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha, waxaana ay dhiiri gelisay in dowladda Britain ay codkeeda u biirineyso in la dedejiyo xal ka gaaristajawaari arrintaasi.

Ku-simaha adaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Max’ed Cismaan Jawaari oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska iyo guud ahaanba beesha caalamka u damqashada ay Soomaaliya u damqadeen, waxaana uu dhanka kale xusay in Soomaaliya ay u dhisan yihiin hay’ado dastuuri ah oo awood buuxda u leh iney xalistaan arrimaha dhexdooda ah, waxaana uu rajo ka muujiyey in dhowaan go’aan laga gaari doono arrimaha siyaasadeed ee hada taagan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!