Pro Jawaari oo ugu baaqay Puntland in aysan ku niyad jabin qaraxyada noocan kale ah

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Muqdisho : HN :–Pro Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha dalka oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka Puntland inaysan niyad-jabin weerarrada ay argigxisadu ka geysanayso deegaannadooda.

Pro Jawaari ayaa sheegay in uu cambaareynayo weerarkii lagu dilay shaqaalaha ka tirsan QM, isagoo intaas ku daray in weerarkaas uu ahaa mid laga argagaxo oo dhibaato badan geystay.

“Mar walba waxaan xanuunka iyo murugada la wadaago shacabka iyo maamulka Puntland, anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha,jawaari kayga iyo kan xildhibaanada Somalia, waxaan si buuxda u cambaareynayaa weerarka argigixisada ah ee maanta ka dhacay gudaha Garoowe,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaabtu wuxuu u tacsiyadeynayaa shaqaalaha iyo hoggaanka QM amigoo uga tacsiyeynayo geerida shaqaalihii ka tirsanaa waxaan doonayaa inaan dareensiiyo inaysan fulin ujeeddada ay argigixisadu ka lahayd weerarkan oo ah in la hor-istaago hormarka iyo gargaarka ay la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.”

Prof. Jawaari ayaa mar kale yiri. “Waxaan kaloon ku boorinayaa Qaramada Midoobay inay sii wadaan shaqadiina oo aysan saameyn falkan bahalnimo.” Isagoo u tacsiyeeyay ehellada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Puntland.

Ugu dambeyn, ku simaha madaxweynaha dowladda Somalia ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo hogaanka Puntland inay meel uga wada-jeestaan cadawgooda; isla markaana aysan niyad-jebin oo falalka argigixisonimo hor-is-taagin hormarkooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!