Pro Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga QM iyo safiirka Swedan

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Muqdisho : HN :- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo safiirka dowladda Swedan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa  ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo gebageboobeen kulammadii Baarlamaanka.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliyajaaari-booqasho-51 Danjire Niclos Key waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay  dhanka kale wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu
faragelin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!