Pro Jawaari” ra’iisal wasaaraha waxaa uu ii sheegay in uu ku kalsoon yahay go’aanka xildhibaannada

by admin | Friday, Dec 5, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay fadhiyadii ugu danbeeyay ee mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay yeellanayeen, ayaa sheegay in  ra’iisal wasaare Cabdiwali uu warqad u soo qoray una sheegay in uu mar walba ku qancayo go’aanka ay gaaraan xildhibaannada.

Ra’iisal wasaaraha oo qorshuhu ahaa in uu tago fadhigii maalintii shalay ay mudanayaasha uga doodayeen mooshinka, ayaa ka baaqdayGuddoomiyaha_Baarlamaanka_Somalia_Pro-Jawaari isaga oo sheegay in aysan jirin sabab uu xildhibaannada u hortago.

“Ra’iisul wasaaraha wuxuu xaq u leeyahay inuu baarlamaanka Somalia hor-yimaado oo uu iska difaaco eedaha loo jeediyay xukumaddiisa, balse wuxuu go’aan-saday in arrintiisa ay baarlamaanka go’aan ka gaaraan,” ayuu yiri Jawaari.

Maalinta bari ayaa la fillayaan si kama danbeys ah xildhibaannada u so ajraan mooshinka, iyadoo cod loo qaadayo, lamana oga sidda ay wax isku badali doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!