Pro Jawaari” waa in deg deg loo joojiyaa colaada beellaha walaalaha ee wadda dega Sool iyo Nuugaal

by admin | Tuesday, Sep 29, 2015

Muqdisho : HN :–Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee ka jira deegaanno ka kala tirsan gobolada Sool iyo Nugaal.

“Hor iyo horaan waxaan ka tacsideynayaa dadkii ku dhintay xiisadaha u dhaxeeya dadka walaallaha ah ee xoolo dhaqatada ah oojaw xiisadahoodu weli ka taagan yihiin deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal, runtii waa wax aad iyo aad u xun oo aan wanaagsaneyn in xiligan uu daato dhiig sokeeye,waana waajib qof walba laga doonayo in uu gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dhiigaasi ka daadanaya dadka walaalaha ah”ayuu yiri ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha jira oo ah war aan farxad gelineyn qof walba oo damiir leh, waxaan dhiira gelinayaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan odayaasha,isimada,waxgaradka iyo garaadyada labada dhinac, sidoo kalena waxaan aad u dhiira gelinayaa dadaallada Puntland ay ku dooneyso in xal looga gaaro arrimahaasi, si taasi la mid ahna waan ku boorinayaa cid walba iney ka qeyb qaadato sidii dagaalladaasi xal looga gaari lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu Alle subxaanahu watacaalaa ka baryey in umadda walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso uu quluubtooda isku soo dumo islamarkaana inta ku howlan xal u helidda arimahaasi uu ku guulleeyo dadaalkooda.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!