Pro Samatar ” wax iga maanacayo ma jiraan in aana hogaamiyo Soomaaliland

by admin | Tuesday, Jan 13, 2015

Hargeysa : HN :–Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo mar ka mid noqday musharixiintii xilka madaxtinimada Soomaaliya, waayadii ugu danbeeyayna u xuubsiimtay dhinaca Soomaaliland ayaa sheegay in wax ka maanacaya aysan jirin hogaaminta Soomaaliland xaqna u leeyahay arrintaa iyada ah.

Pro Samatar ayaa sheegay inuusn xilliga xisbi sameysan karin, balse madaxda xisbiyada iyo shacabka Somalialnd ay u taallo sida uu xaalku noqonayo. Wuxuuna ka digay in qabiilka iyo qarannimada la isku dheeho.

“Qof walba oo reer Somaliland ah xaq ayuu u leeyahay inuu madax noqdo, aniguna sidaas oo kale ayaan xaq ugu leeyahay inaan hoggaan noqdo, balse taasi waa mid taalla saddexda xisbi ee Somaliland ka jira, odayada dhaqanka iyo ragga hoggaanka haya,” ayuu yiri Prof. Samatar oo intaa ku daray in shacabka ka go’do inay soo jeediyaan cidda hoggaamin karta kuna hagi karta Somaliland waddada hormarka.

Aqoonyahankan oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ka digay in qabiilka iyo qarannimada la isku, wuxuuna xusay insamatar qabiileysiga uu dhibaato weyn ku yahay Somaliland iyo dunida oo dhan meel qabiileysigu uu ku wanaagsan yahayna aysan jirin.

“Somaliland maanta waxaa yaalla loolan u dhexeeya qabiilka iyo qaranimada iyo weliba is-xukunka xun iyo kan wanaagsan sida lagu kala garan karo. Tan kale anigu muddo fog ayaan ka fikirayay in la kala saaro qaranimada iyo qabiilka. Waayo qof walba qabiil ayuu kasoo jeeda, balse waa in kala saaro qabiilka iyo Qarannimada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Prof. Samatar oo arrintan kasii hadlayay ayaa sheegay in qabiileysiga dadka ku dhaqmaya ay yihiin kuwo dan yar oo shaqsi ah ku raadsanayaan, laakiin loo baahan yahay in dadka loo baro qabiilka inuu yahay mid la isku garto oo keliya.

“Odayaasha dhaqanka haya waa inay iyagu marka hore kala gartaan sida ay u kala duwan yihiin qabiilka iyo qarana… waana in qof walba laga garto inuu yahay mid Qarannimo u ordaya. Madaxd sarena laftooda laga arko inay ku dhaqmayaan qarannimo oo aanay qabiil ahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, shacabka Somaliland ayuu kula taliyay inay Qarannimadooda ka ilaaliyaan qabiilka, qof walbana lagu xusho kartidiisa iyo waxqabadkiisa, balse aan la eegin qabiilka, si looga kaaftoomo qabiileysiga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!