Prof Jawaari oo daah furay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka

by admin | Sunday, Aug 30, 2015

Muqdisho : HN :– Shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukumadda Soomaaliya ayaa oo looga hadlayey doorka ururadda bulshadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan geedi socondka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ayaa waxaa loo qabtay qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka oo ka kala yimid maamul goboleedyada dalka sida Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shirka wadatashiga ah oo socon doono mudo labo cisho ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb galay ku-simaha Madaxweynaha das_9Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Pfro. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka dalka iyo masuulyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dastuurka Xukumadda Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ugu horeyn ka hadalay shirka ayaa ku sheegay sababta shirkaan loo qabtay in ay tahay in ururadda bulshada Rayidka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadan karaan hanaanka dib u eegista dastuurka lasoo bandhigo.

“Ujeedka waxa uu yahay in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaali leedahay, oo rayiga dadweyaha ku dhisan, Xukumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in qof kasta oo Soomaaliyeed la dhageysto fikirkiisa meelkasta oo uu joogo, maantana waxaan u fadhinaa in aan dhageysano kii bulshada rayidka” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.

Guddomiye ku-xigeenka gudiga la socodka dastuurka ee Barlamaanka, Xildhibaan Ibraahim Saalax (Dayfullah) iyo Guddomiye ku-xigeenka Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, Maxamed Cabdalla, ayaa si wada jir ah u sheegay in ay diyaariyeen qorshe lagu hirgelinayo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo furay shirka looga hadalayey doorka ururadda bulshadda rayidka ay ka qadan karaan dib u eegista dastuurka KMG AH ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in kaalin ku yeeshan ururadda bulshadda rayidka hanaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka.

“Ururrada bulshada waxa ay kamid yihiin shacabka Soomaaliyeed. Shacabka oo dhan lama wada gaari karo, sidaas darteed idinku waxaad tihiin dadkii u dhexeeyay shacabka iyo Madaxda, ilaa iyo inta laga gaarayo afti dadweyne waxaa muhiim ah in la helo tallooyinkiinna ku aadan dib u eegista dastuurka” ayuu yiri Prof Jawaari.

Ku-simaha Madaxwayanaha dalka oo qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka ay waydiinayeen Su’allo badan oo la xariira dib u eegista dastuurka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in si dadka Soomaaliyeed u bartaan dastuurkooda dowladda Soomaaliya ay u marin doonto Warbaahinta, gaar ahaan idaaacadaha.

Kulanka maanta furmay ayaa waxaa la filayaa in lasoo gebagebeeyo maalinta berri ah, iyada oo kulankaan uu kusoo beegmayo xilli dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in ay wax badan ka qabato arimaha dastuurka kahor 2016-ka,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!