Prof Jawaari oo soo bandhiga labada gabdhood ee ugu da’da yar baarlamaanka labada aqal

by wadani | Tuesday, Dec 27, 2016

Muqdisho :HN :- Xildhibaanada nasiibka u yeeshay in ay sanadkan kamid boqdaan Labada Aqal ee Baralamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ku jira Wiilal iyo gabdho dhalinyaro ah , kuwaa oo kusoo baxay doorashooyin ay ka qeyb galeen.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaro ayaa fadhigii ugu horeeyay ee Baarlamaanka maanta yeesheen kusoo bandhigay magacyada labada Xildhibaan ee ugu da’da yar labada Aqal.
Xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge oo laga soo doortay magaalada Cadaado ayaa noqotay qofka ugu da’da yar Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya sida uu shaaciyya Prof Jawaari Gudoomiyihii hore dee Baarlamaanka.

Waxaa siddoo kale  xildhibaan ugu da’da yar aqalka sare noqontay Fartuun C/Qaadir Karaama oo iyana kamid ah Xubnaha Aqalka sare ee lagu soo doortay magaalada Jowhar.Labada Xildhibaan ayaa noqonaya kuwa ugu da’da yar Baarlamaanka labada Aqal, waxaana gabdhahan la sheegay in ay kamid ahaayeen arday wax ka baraneysay Jaamacado kuyaala magaalada Muqdisho iyagoona nasiib u helay in ay kamid noqdaan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, baarlamaankii hore federaalka ee wqtigiisa dhamaaday ayaa waxaa noqotay xildhibaankii ugu da’da yaraa Naciimada Maxamed Gacal oo iyana mar kale nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto Aqalka hoose ere Baarlamaanka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!