Puntlaaneey in la isfuro waxaa ka horeysa in horey la isu qabay, WQ; Cabdiboqor

by Yahye | Monday, Aug 4, 2014

“Facts do not cease to exist because they are ignored”- Aldous Huxley

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Sida ciwaankaba laga dheehan karo, ee Mandiga iyo caliga saliimka ahiba lagu garankaro, xiriir inta aan la jarin waxaa ka horeeysa in horta xiriir horey u jirey. Gaar ahaan mid jaridiida lagu hanjabi karo ama lagu ribeeynkaro wuxuu imankaraa oo kaliya hadii mid wanaagsani horey ujirey, kaasoo qofka ama kooxda loogu ribeeynayo jaritaanka xiriirkaasi uu xanuun kuheynkaro. Wixii intaas kasoo haraahise waa iska huuhaa iyo dareenraadin (Attention seeking syndrome).

Sida ummadda Soomaaliyeed wada ogtahayba Maamul-Beeleedka Puntland wax xiriir ah oo Dowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed kala dhexeeyey haba yaraatee ma jirin. Madixii hore ee Maamulkaa C/Raxmaan Faroole ayaa hore usheegey in ay xiriirka u jareen ka Maamul-Beeleed ahaanDowlada loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed taariikhdu markii eay aheyd August2, 2013. Bal isweydii marka xiriirkan Cabdiweli Gaas uu hadda jarayo!

Waxaa sidoo kale jirtay in Maamul-Beeleedka Puntland uu 10-kii bishii August ee 2013-kii sida laga wada warqabo dib u celiyey Markab ay laheyd hey’ada Bisha Cas ee dalka Turkiga oo gar-gaar gaarayay 10-Kun oo Tan oo raashin macaawino ah, isuguna jirey Bariis iyo Bur, loona waday ummadda ku tabaaleeysan saddexda degmo ee: Isku-Shuban, Taleex iyo Galdogob, balse Maamul-Beeleedka Puntland uu celintaa ku sheegey in ay qeyb ka tahay dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowlada loo wada dhanyahay ee Ummada Soomaaliyeed, arintaasoo afhayeenka Maamul-Beeleedka Khaatumo: Suleymaan Xaaji Maxamed Samatar oo wareeysi siiyey VOA-da uu aad uga dhiidhiyey, sheegeyna in dhammaan Maamullada ay khuseeyso arintan hore ula wada socdeen, oo horey loogu wadasheegey, balse Maamul-Beeleedka Puntland uu ka doorbisey in uu siyaasadeeyo Raashinkaa u socdey ummaddaa aadka ugu baahneyd, si ay ugu tooxsadaan Dowlada Dhexe. Waxaase si dadnimo leh usoo dhaweeyey ugana faa’ideeystey Maamul-Beeleedka kalee Somaliland. Hadii xiriirku sidaa awalba u go’sanaa, oo waliba sidaa hore ugu dhaqmayeen, bal xiriirkan hadda Cabdiweli Gaas jarayo waxa uu yahay adigu mallayaabtey!

Dhinaca kale; markii eey maasiibada Rabbaaniga ahi ku habsatey deegaannada Maamul-Beeleedka Puntland ka arimiyo bilihii Oktoobar iyo Nofeembar ee sanadkii 2013-kii ayaa dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed ugu deeqdey dadkaa Soomaaliyeed ee dabaaleeysan 1-Million oo Doolarka Mareeykanka ah, Nasiibdarrise! Iyagoo is leh muujiya in wax xiriir ah aanu idinkala dhaxeyn ayaa Maamul-Beeleedka Puntland waxeey ka sariigan waayeen in eey yiraahdaan “Lacagta eey inoogu deeqdey Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed waan qaadaneeynaa, balse in aan deegaanka Maamul-Beeleedka kusoo dhaweyno diyaar uma dhihin!”. Bal markale is weeydii xiriirka hore u jirey ee uu malaha Cabdiweli Gaas sooceliyey ee uu maanta jaridiisa uu ummada ku indho-sarcaadinayo!

Sida Soomaalidu ka wada warqabto Maamul-Beeleedka Puntland markii uu Faroole horjoogaha ka ahaa wuxuu arintii ku saabsaneyd Maamulka-Ku-Meelgaarka ah ee Jubba ee maleeshiyo Beeleedka Raaskami xooga ku heeysteen, ay u rogeen arin “Beeli” uga soo horjeedo “Beel kale”. Waa kan Faroole safarro iyo gulfis colaad qabyaaladeed meelo badan ku kala bixiyey, illaa uu gaarey Jigjigada Galinka 5-aad, isagoo Cilladhaan colaad qabiil hurinaya. Maamul-Beeleedka Puntland meelkasta ayey Buunka uqaateen, iyagoo ku hadlaya magaca Koox-Beeleedkii fidno-wadayaasha ahaa ee SAHAL ee yiri waawareey iyo ereyadii taariikhda madoow galay ee “Hallow Garowe, Hallow Kismaayo, Hallow Jigjiga”. Marka hadii xaalku sidaa ahaa bal xiriirkan hadda uu Cabduweli Gaas jarayo soow khayaali iyo halagaa sheego ma aha!

Dastuurku waxa uu oggolyahay in 2-Gobol iyo wixii ka badan ay wax isku darsan karaan, marka maxaa laga uriyay haddii ay Galgaduud iyo Mudug is raaceen,? Horaan qormooyin uga sameeyey arintan Nidaam-Beeleedka iyo Mashaakilkiisa. Qormooyinkaa waxaa ka mid ahaa “MAAMUL-BEELEEDYADU WAA SIRIQDA SOOMAALI LOOSII MILQAY!”, iyo midkaloo Iyana ciwaankeedu ahaa “Federaal, Dowlad-Goboleedyo iyo Qabyo-Qoraaloow dantee la idinka lahaa?”

Hadaanse dib idiin wada xusuusiyo sababta asalka ah ee Maamul-Beeleedka Puntland ay uqoonsadeen dowladan loo wada dhanyahay ee uu Madaxweynaha kayahay mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxeey aheyd in Jagada Ra’isulwasaarenimo ee dowladan dhexe loo magacaabay aqoonyahan ah “Reer Gedo” oo sida ay isku qanciyeen siyaasiyiinta “Beesha Garawe” ee Maamul-Beeleedka Puntland cid aan iyaga aheyn aan loo magacaabi karin. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuudse arintaa dulmiga iyo sadbursiga cad ah, wax jixinjix iyo jileec ah kama aanu muujine xaqiisa dastuuriga ah ayuu si dadnimo iyo damiir-wanaag ah ugutey, maadaama jagadaasi ay tahay oo kaliya in uu u magacaabo shaqsi kasoo jeeda uun “Magacaa Guud”, sida saami-Beeleedka Soomaali xalka mooday yahayba, waliba intaa kuma aanu ekeeyne waxaaba uu sifudud ugu darey mar labaadkii, oo uu soo magacaabay Ra’isulwasaare kaloo “Reer Gedo” ah, taasoo nasiibwanaag! Si rasmi ah gabi’ahaanba meesha uga saartey, in hal beel oo kaliya la gooninoqoto saami beelo badani ay “Magacaa Guud” darteed wax uga leeyihiin, tahayna in markooda loo magacaabo, ama la wareejiyoba. Maamul-Beeleedka Puntland sikastuu dhulka isugu rafiyey, boor iyo qiiq, buuq iyo qeeylo isugu darayba, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud iyo Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed ee uu garwadeenka ka yahayba dhag-jalaq uma aaneey siin, waxeeyna aheyd wax aanu Maamul-Beeleedka Puntland uga baran dowladii loowada dhamaa ee Soomaaliyeed ee Madaxweynaha uu ka ahaa Sh.Shariif Sh. Axmed, taaso ku maslixi jirtey in sida Maamul-Beeleedka Puntland ay rabaan looyeelo, waliba dhaqaale mug leh fadhiga loogu geeyo, Cimaamad inta madaxa loosaarana, xaal qaata lasoo yiraahdo. Magacaabistaa labada mar ah waxeey meel xun sii gaarsiisey iscuncunkii iyo ganuunicii Maamul-Beeleedka Puntland. Dhinaca kalase aad baa Soomaali badani ugu wada riyaaqeen, maxaa yeeley magacaabista shaqsiga aan ku xirneyn Maamul-Beeleed tolkii leeyihiin, deegaanka uu kasoo jeedaahina burburka kala simanyahay Soomaali inteeda kale, waxeey u badantahay in danta guud uu ka shaqeeyo, oo sidii hore u dhicijirteyba aanu danta Maamul-Beeleedkooda ka hormarinin tan guud ee Qaranka ee Ummada Soomaaliyeed oo dhami ka wada dhaxeeysa, waxaanna rajeeyneeynaa in taasi aan waxba laga badlin.

Waxaase Jagadaa Ra’isulwazaarenimo oo ay Maamul-Beeleedka Puntland ee reer Garowe dowladan loo wada dhanyahay kawaayeen u wehliyey in Sad-Bursi badan oo awal ay si joogto ah Dowlada uga helijireen, oo iyaga uun gooni iyo gaar u ahaa la laalay, oo meesha laga saaray sida: Dhaqaale mug leh, Deeqo waxbarasho oo ugaar ah, tababarro ciidan, mashaariic horumarineed oo waaweyn oo u gooni ahaa, qalabka culus ee dhismaha wadooyinka waaweyn, garoomada, dekedaha IWM, iyo ugu dambeyn in gabi ahaanba dowlada dhexe iyadoo gacmo xiran la hoosgeeyo Maamul-Beeleedka Puntland, kadibna tallaabo aaneey raali ka aheynba aaneey dowladu qaadin, taasoo Madaxweyne Xassan si dadnimo leh uga dhiidhiyey, oo iska diidey in uu siiyo wax mudnaan gaar ah oo Maamul-Beeleedyada kale aaney helinna. Waxaad si dhab ah uga bogankartaa arimahan Sad-Bursiga ku saabsan ee Maamul-Beeleedka Puntland caadada u aheyn, balse hadda uu la’yahay, ileyn Dhurwaa latag u bartey , dhigtu waa dhibtaaye, qormadeeydii ciwaankeedu ahaa “NIN AAD TAQAAN YAA TAHAY LAMA YIRAAH: DOORASHADII DR. CABDIWELI MAXAMED CALI GAAS EE PUNTLAND”.

Sida Soomaalidu kawada warqabto horjoogaha Maamul-Beeleedka Puntland: Cabdiweli Gaas wuxuu ahaa Ninkii Dastuur-Ku-Sheegan lasoo dhoodhoobey horboodayey, oo in badan oo ka mid ahi Maamul-Beeleedka Puntland uu ku darsadey sida: Shaki galintii Caasimada Qaranka ee Muqdisho, sida daciifinta awooda dastuuriga ah ee Dowlada Dhexe iyo waliba dhinaca kalena xoojinta Maamul-Beeleedyada-Maadaama Puntland ahaa maamulka ugu tunka weynaa- Iyadoo ugu dambeyn dowladaba laga dhigey “Isutagga Maamul-Beeleedyada “. Waxaa dabcan sidoo kale Dastuur-Ku-Sheegaa wax badan ku darsadey heey’ado Gaalo, sida: Qodobadii Diinta ku saabsanaa ee laga badaley dastuurkii Ummada ee 60-kii. Bal kawaran! Hadii sidan uu dhahayo Dastuurka-ku-Sheegan Qabyada ah ee Cusub: Shuruudaha Madaxweynaha kuma jirto in uu ahaado Muslim.

Waxaa kaloo waxbadan laga badaley qaabka eey u qornaayeen Diinta Rasmiga ah ee Dalka, iyo ku dhexfaafinta Dalka Diimaha kale IWM, illaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed eey Bayaan kasoo saareen taariikhda markii ay ku beegneyd: 09/04/2012 iyagoo af labadii qeeylinaya, ummadana uga digayaa Dastuur-Ku-Sheega. Ugu dambeyntiina waxaa qeeybtooda ku darsadey Dowladaha Dariska gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya sida: Qeeybaha xuduuda Dalka oo buuq badani uu ka dhashey, Jinsiyad qaadashada oo laga dhigey ku dhalashada dalka oo kaliya ama joogista mudo Shan sano ah, iyada oo aan xoogga la saarin in waalidka cunugaa Soomaali wada yihiin. Waxeeyna dowladaha dariska sidaa u yeeleen, madaama Jawaasiistoodu 24+sano ku dhex milmeen Soomaalida, kawada guursadeen, kuna ilmo dhaleen dalka, Qabaa’illada iyo luqadana barteen. Iyagoo kuwa waqooyi joogana si isweeydaaris iyo jahwareerin ah ay Reer Koofur ugu Abtirsadaan, halka kuwa Koofurta joogana Reer Waqooyi ugu Abtirsadaan. Dastuur-Ku-Sheegan Waxaa sidoo kale aad uga digey Aqoonyahanka Soomaaliyeed talo bixin farabadanna ka biyey. Arinta Muhiimka ahise waxeey tahay in Gudigii Madaxa bannaanaa ee Dib-u-Eegista Dastuur-ku-sheegan oo xaqa u lahaa in eey badalaan wixii eey u arkaan in la badalo, ayaa qodobadii ay ka mid ahaayeen kuwii Caasimada qaranka ee Muqdisho shakiga lagu galiyey si sax ah u badalay, waxeeyna arintani ka midtahay waxa jaray xiriirkii Maamul-Beeledka Puntland iyo Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed.

GUNAANAD

Sida kor aan kusoo cadeeyneyba xiriir jirey oo hadda Maamul-Beeleedka Puntland uu jarayo haba yaraatee ma jiro, balse ula jeedo kalaa meesha ku jirta, oo ah in Dowlada loo wada dhanyahay ee Soomaaliyeed iyo waliba Beesha Caalamku kusoo maslaxaan Maamul-Beeleedka Puntland, fashilinta Maamulka Gobollada Dhexe laga dhisi rabo, arintanoo ah arinta ugu muhiimsan boor isku qarintan, iyo in Dowlada Dhexe ogolaato siyaasadii uu Madaxweyne horee Sh.Shariif uu ogolaadey ee aheyd “Teydana Gaar U Lihi, Taadana Kula Lihi” ama sida Soomaaliduba turaahdo, “Teeyda Dhigid, Taadana Dhamid, Waa Dhabiil Gaabi” , tanoo eey la jirto dib ugu soo celinta “Reer Garowe” Jagada Ra’isulwazaarenimo iyo waliba Sad-Bursigii caadada u ahaa. Dowlada dhexese waxaa marka looga baahanyahay, in ay dhagaha ka fureeysato, oo aaneey ujoojinin, balse waxaa laga cabsi qabaa in sidii Madaxweynihii horee Sh. Shariif Sh. Axmed isudhiibey sandkiisii ugu dambeeyey, maadaama in dib loosoo doorto uu ku hamminayey, Nasiibdarana! Maamul-Beeleedka Puntland ay sidaa wixii ay doonaanba uga sameeysteen oo kale, in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuudna sidoo kale hadda isu dhiibo, maadaama doorashooyinkii 2016-ka lasii hadal hayo, balse aan aragno in dowlada dhexe Moos noqoto iyo in ay sidii awalba eey meesha Maamul-Beeleedkani mudanyahay udhigeen faraha uga qaadaan. Wabillaahi Toowfiiq

 

AbdiboqorC/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare Jaamacadeed, Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: Google images search

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!