Puntland iyo Galmudug oo hishiis hor dhac ah gaaray

by wadani | Tuesday, Nov 1, 2016

Dubai : HN :- Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Abu Dubai, waxaana hishiiskan goob joog ka ahaa madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed ayaa kala saxiixday hishiis hor dhac ah oo ugu yaraan wax ka tari kara soo afjarida colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana ka mid ah qodobada leysku afgartay :

1. In Xabad joojin labada  islamarkaana labada dhinac si deg deg ah u dhaqan galiyaan.
2. In la joojiyo dhamaan wixii abuuraya colaada taas oo la’isu mariyo hawadda.
3.In ay dib uga soo laabtaan dhamaan dadka ka barakacay magaaladda Galkacyo.
4.In  labada  dowlad  goboleed  soo  magacaabaan guddiyo isku  dhaf  ah  oo  ka shaqeeya si xal waara looga gaari lahaa khilaafkan soo noqnoqday.
5.In  kulan deg deg  ah  oo  lagu  soo  afjaro  khilaaf -kan la isugu  yimaado
Magaaladda Kismayo 20ka Bishan Noofeembar,2016.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guuleed, ayaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobollleedyada halkaa ku sugan,  waxaana hishiiskan hor dhaca ah uu imanaya xilli hishiis kan la mid ah horay hogaamiyayaashan u saxiixeen, laakiin ay ka danbeeyeen dagaallo dad badani ku dhinteen.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!