Puntland iyo Soomaalinad oo isku khilaaf shidaal laga baarayo gobolka Sool

by wadani | Thursday, Dec 10, 2015

Muqdisho : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf xoog leh oo durbaba soo kala dhax-gallay maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo isku khilaafay shidaal la sheegay in laga baarayo deegaanno ka tirsan gobolka Soool.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Somaliland ay si sharci darro ah deegaanada Gobolka Sool ka wadaan, isla markaana aanay heysan sharciyad iyo aqoonsi midna.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka digayaan dhibaato soo gaarta diyaarado uu sheegay inay wataan shirkado ajnabi ah ooshidaalka-soomaaliya ka wada deegaanka Xudun howlo shidaal baaris ah, waxaana uu xusay in Somaliland aanay deegaanadaas laheyn, dadka deegaankana ay kacsan yihiin sida uu yiri

“Ciidamada Somaliland ayaa hogaaminaya, meelaha shidaal baarista ka socoto, waxaa ka mid ah shirkado ajnabi oo Yurub laga leeyahay, oo aan diiwaan gishaneyn, saddex meelood ayay ku howlan yihiin inay shidaal ka baarayaan, waxaa ka digeynaa in dhibaatada ka dhalata nimankaas diyaaradaha wata, Somaliland ma heystaan aqoonsi ama sharci ay shidaal ku baaran karaan”ayuu yiri Wasiir Soo-Cadde.

Dhinaca kale Wasiirka Macdanta iyo shidaalka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland, isagoo xusay in Somaliland u madax banaan tahay in dhulkeeda ay howlo shidaal baaris ka sameyso, isla markaana aanay cidna fasax uga qaadaneyn.

“Somaliland waa dhulkeeda meesha ay wax ka qabaneyno, waana u madax banaan tahay, hadii shidaal baaris ay sameyneyso, Puntland iyo cid kalena fasax ma weydiisaneyso, xaq ayaa u leenahay”ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo shidaalka Somaliland oo u waramay BBC-da.

Waxaa uu sheegay in dhulka uu ka socdo howlaha shidaal baaris uu yahay deegaan Somaliland ka tirsan, isla markaana Puntland waxba ka quseyn, isagoo xusay in dhulka ay ka hadlayaan uu yahay magaalada Xudun oo qeyb ka ah Somaliland sida uu yiri.

Labada maamul Puntland iyo Soomaaliland ayaa isku haya lahaashaha deegaanno u dhaxeeya labada maamul oo dhinac walba uu sheeganayo in uu deegaannadaas uu hoos yimaado maamulkooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!