Puntland oo soo bandhigtay dhalinyarro ka tirsan raggii xalay Boosaaso weeraray

by admin | Sunday, Feb 8, 2015

201528635589780209085058IMG_9038Boosaaso : HN :–Taliska booliiska Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyey weerarkii xalay lagu qaaday fariisin ciidan iyagoo sidoo kale soo bandhigey xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo isla xalay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha booliska Puntland Jen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in xalay fiidkii koox ka koobaneyd shan nin oo Al-shabaab ka tirsani weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ciidan oo boolisku habeenkii gaadiidka ku baaraan kuna dhow Hotel Panorama.

Dagaalka dhaxmaray ciidammada iyo kooxdii weerarka soo qaadey ayuu taliyuhu sheegay in hal askari ku geeriyoodey afar kalena ku dhaawacmeen, sidoo kale wuxuu sheegay in hal nin laga diley kooxdii duulaanka ahayd.

201528635589779956315881IMG_9019Taliye Jaqanaf ayaa dhanka kale sheegay in hawlgal boolisku sameeyeen weerarka kadib ay kusoo qabteen saddex kamid ah raggii weerarka fuliyey oo iyaga oo baxsad ah gaari kula rogmadey jidka sodonka ee mara dhanka bari ee magaalada. Shilka waxaa ku dhintey hal nin balse labada kale oo midkood dhaawac yahay ayaa saaka warbaahinta loo soo bandhigay.

Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Max’uud Rashiid Cali kana mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee fariisinka ciidanka soo weeraray ayaa warfidiyeenka la hadlay isagoo faah faahin kooban ka bixiyey weerarka iyo qaabkii uu u dhacay.

Weerarka xalay ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna ahaa kii labaad ee noociisa ah ee muddo toddobaad ah ka dhaca magaalada Boosaaso.

201528635589780827165522IMG_9041Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!