Puntland oo beesha caalamka weydiisatay in lala socdo hishiiska ay la galleen DF

by admin | Wednesday, Oct 15, 2014

Garoowe : HN :–Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay la socoto dhaqan galinta heshiiska ay la galeen dowladda faderaalka.

Dowladda Fderaalka ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa shalay heshiis ballaaran oo ka kooban 12 qodob waxay ku gaareen magaalada Garoowe, heshiiskaas oo lagu dhameeyay khilaafkii jiray.

“Soomaalideena way u fududahay in ay heshiis galaan, muhiimaduse waa in la fulayo heshiiska. Dowladda dhexe waxaana ugu baaqayaa in ay heshiiska fuliso oo uu noqdo mid miro-dhala.” Ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku Puntland.

Dowladda Puntland waxaa ay dalbatay beesha caalamka in ay heshiiska il-gaar ah ku hayso oo ay la socoto hadii uu hir-geliyo waayocamey sababaha kalifaya.

Dhinaca kale,guddoomiye ku xigeenka baarlamanka dalka Mahad Cawad Cabdi oo kulanka ka hadlay wuxuu balan-qaaday in baarlamanka Soomaaliya in ay si deg deg ah u guda geli doonaan dastuurka Soomaaliya oo ay Puntland sheegtay in fara-gelin lagu sameeyey.

Ugu dambayntii, xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa war ka soo baxay waxaa lugu sheegay in madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka qayb-galayo shir looga hadlayo arrimaha New deal, kaas oo ka dhacay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Dowladda Puntland waxaa ay horay u shaacisay inay dadaal ku bixinayso sidii loo so afjari laha khilafka ka jira dalka,gaar ahaana dowladda dhexe iyo Puntland.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!