Puntland oo ilaa amar danbe joojisay doorashada xubnaha aqalka hoose

by wadani | Monday, Nov 28, 2016

Garoowe : HN :-War ka soo baxay dowlad gobolleedka Puntland oo loo diray guddiga Doorashooyinka ayaa amar lagu faray in howlaha doorashada la hakiyo.

Warka oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa lagu sheegay  in aan wax doorasho ah la qabanayn ilaa wax laga qabto qaabka hada loo qaybinayo xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Puntland ayaa mar sii horreysay sheegtay inay dooneyso in beelaha Sool iyo Sanaag xubno ka helaan xubnaha Aqalka Sare ee loo quundeeyay Somaliland.

Xarumihii waxbarasho ee Doorashada ka socotay waxaa hada dib uga bilowmatay waxbarashadii oo awal hakad kujirtay.

Ugu danbeyntii, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal iyo heer maamul oo la xiriira go’aanka lagu joojiyay doorashooyinkii aqalka hoose ee Garoowe ka socday.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!