Puntland oo isku khilaaftay doorashada xubnaha aqalka hoose

by wadani | Saturday, Dec 10, 2016

Garoowe : HN :-Waxaa magaalada Garoowe lagu waramayaa in mar kale maanta uu dib u dhacay ku yimid doorashada xubnaha aqalka hoose ee la filayay in saakay halkaa ka bilaabato, kaddib markii sidda la sheegay khilaaf uu soo kala dhax-gallay mas’uuliyiinta Puntland.

Doorashada ayaa mudooyinkii dambe hakad ku jirtay kadib markii Maamulka Puntland uu sheegay in Madasha Wadahasiga qaran aysan fulinin balan qaadkii ahaa in doorshada Xubnaha ka imanaya Gobolada Sool iyo Sanaag In lagu qabto magaalada Garoowe, halka Soomaliland ay sidoo kale ka biya diidan tahay go’aanka maamulka Puntlnd.

Dadaal badan kadib Guddiga doorashooyinka Dadban  ee heer Federaal ayaa ku Guuleystay in la xaliyo  tabashooyinka Maamulka Puntland, kadib kulan ay la qaateen madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey, iyo gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas.

Dhanka kale madaxda Maamulka Puntland ayaa isku qilaafay Go’aanka kasoo baxay Madasha Wadatashiga qaran ee ku aadanaa sida laga yeelayo saamiga Gobolada Sool iyo Sanaag ay labada Maamul ay isku hayaan.

“Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo”, ayaa lagu yiri go’aankii kasoo baxay Madashada.

C/wali Gaas oo shirkan ka maqnaa ayaa u muuqda shaqsi aan kalsooni badan ku qabin ka qeyb-galka shirka ee ku-xigeenkiisa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!