Puntland oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Galmudug

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Garoowe : HN :–Mas’uuliyinta maamul gobolleedka Puntland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo sheegay in uu dib uga laabtay xayiraadiii uu soo rogay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Wasiirro ka tirsan dawladda Puntland oo dhawaan soo gaaray Gaalkacyo oo shir-jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay oraahda Jen. Qaybdiid ka soo yeertay taasoo ahayd in ay fasaxeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wasiirrada ayaa sheegay inay mar walba soo dhaweynayaan hadalada nabadda ka tarjumaya iyo baaqyada nabadeed ee socda hayeeshee aysan jirin garoon horay loo xanibay hadana la fasaxay.

Wasiir ku-xigeenka duulista hawada iyo garoomada Puntland C/raxmaan Yuusuf Nuur (Dujaana) oo afka wasiirada ku hadlayay ayaa405x304xfbbfe9e55e756853fb006509674f4b59_L.jpg.pagespeed.ic.CNnXv051uc tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay nabad balse aysan khusayn hadlkii maanta ka soo yeeray m/weynaha Galmudug Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

” Horta waxaan idiin xaqiijinayaa inaysan jirin garoon xirnaa, mana jirin hal diyaarad oo baaqatay xittaa mid cudur daaratay”, ayuu yiri Dujaana.

Xubnahan ka socda dawladda Puntland ayaa la filayaa in ay qabtaan shir ballaaran oo ay kaga hadlayaan halka ay marayso marxaladda siyaasadeed ee Gaalkacyo.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!