Puntland oo ka digtay faragalinta siyaasadeed ee lagu hayo

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 1 views

Garoowe : HN :   Mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay siweyn uga digayaan wax ay ku sheegeen faragalin siyaasadeed oo ay ku hayaan shaqsiyaad doonaya in qal qal ku abuuraan daganaashaha ka jira deegaannada Puntland.

Wasiirrka amniga maamul gobolleedka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay u digayaan sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad iyo waliba siyaasiyiin doonaya in ay iska horkeenaan bulshada deegaannka.

‘’Puntland waxaa ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo wax u dhimeysa xasiloonida iyo waliba daganaashaha dhulka Puntland, waana iska qaban doonaan kuwa arrimahaas maleegaya ayuu yiri,’’ wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Puntland.

Waxaa uu sheegay sida uu hadalka u dhigay in ay jiraan kooxo abaabulaya bulshada ku dhaqan deegaannada Puntland si ay isaga horkeenaan, isaga oo intaa ku darray in marnaba aa laga aqbali doonin kooxahaas damacooda.

8-da bishan aynu ku jirno ee Jannnayo ayaa la leeyahay waxaa ku eg waqtiga uu xilka heynayo madaxweyne C/raxmaan Faroole, laakiin waxaa uu madaxweynuhu ku doodayaa in uu dastuurka u ogolaanayo in uu sanad kale oo dheeraad ah xilka sii hayo.

Siyaasiyiin caan ah iyo waliba waxgarad ka soo jeeda deegaannada Puntland ayaa siweyn uga soo horjeeda mudadaas sanadka ah, iyaga oo sheegay in arin sharci darro ah ay tahay in maamulku isaga darsado hal sano, madaama loo doortay in uu xilka hayo mudo afar sano ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!