Puntland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Galmudug

by wadani | Friday, Oct 7, 2016

Gaalkacyo : HN :-Maamulka Puntland, ayaa waxaa ku dhawaaqa dagaal ka dhan ah Maamulka Galmudug iyo Ururka Al Shabaab oo wada socda, iyadoo dadka reer Puntland lagu wargeliyay inay u diyaar-garowban dagaal ka dhan ah Galmudug iyo Al Shabaab.

Puntland, ayaa waxay sheegtay wixii ka dambeeyay weerarkii dhinaca cirka ee 28-kii bishii hore ee September ka dhacay Deegaanka Jeexdin, in farriimo hanjabaado ah kaga imanayeen Galmudug iyo Al Shabaab.

Puntland, ayaa Bayaan ku sheegtay in hanjabadahaasi uu xigay dagaalkii saakay ka qarxay Magaalada Gaalkacyo, oo sida ay sheegtay lagu soo qaaday shacabkeeda.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, C/laahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) oo Saxaafadda u akhriyay Bayaankaasi, ayaa sheegay inay Puntland difaaci doonto dadkeeda.

Afhayeenka oo ka duulaayay qoraalkaasi, ayaa shacabka reer Puntland meelkastoo ay kala jooggaan ugu yeeray in ay u diyaar-garowban dagaal ka dhan ah dowladnimadooda, oo ay wadaan Galmudug iyo Shabaab, sida uu yiri.

C/laahi Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Puntland ay xusuusinayso Dowladda Dhexe Somaliya, Beesha Caalamka iyo weliba dalalka deriska in Puntland, ay horey uga dhawaajisay in Shabaaku fariisimo ku leeyihiin Koonfurta Gobolka Mudug, taasoo halis ku ah xasiloonida dalalka deriska, sida uu yiri.

C/laahi Maxamed, ayaa dhinacyadaasi ugu baaqay inay si dhow ula socdaan wejiga cusub, ee uu isu bedelay waxa uu ugu yeeray dagaalkii Al Shabaab ee ka socday Somaliya.

Marka laga soo taggo eedeymaha ka soo yeeraya Puntland, ayaa waxaan cadaymo loo hayn in dagaal-yahano ka tirsan argagixisada, ay ku sugan yihiin dhulka ay hadda maamusho Galmudug.

puntland

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!