Puntland oo lagu eedeeyay in ay fashileyso dhismaha maamulka gobollada dhexe

by admin | Wednesday, Oct 8, 2014

Dhuusama-mareeb : HN :–Maamul gobolleedka Puntland ayaa lagu eedeeyay in ay waddaan qorshe ay doonayaan in ay ku fashiliyaan maamul gobolleedk la doonayo in loo dhiso gobollada Galguduud iyo Mudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa sheegay in Puntland ay soo adeegsatay dhaqaalena soo siisay rag ka soo jeeda gobolada dhexe si ay u fashiliyaan maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo gobolada Galgaduud iyo Mudug.

“Puntland waxay wadaa qorshe ay ku carqaladeyneyso arrimaha maamul u sameynta gobolada dhexe, waxay dhaqaale soo siisay kuwiiqeybdiid-wareysi-330x245 dumarka kufsan jiray, kuwii isbaarada jidadka dhigan jiray iyo kuwo kale oo ka sii xun si nabada goboladan khal khal loo geliyo” ayuu yiri Qeybdiid oo hadalkan ka sheegay degmada Cadaado.

Dowlada somalia ayuu ku eedeeyey iney iska indha tireyso wax ka qabashada dhibaatooyinka sida uu yiri maamulka Puntland uu ka wado gobolada dhexe, wuxuuna xusay in qorshaha Puntland ay fahamsan yihiin ayna ka hortegi doonaan.

Maamulka Puntland oo aan ka jawaabin eedeeyntan ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha dowlada Somalia ay maamulka ugu sameyneyso gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyagoo taas sabab uga dhigay qeyb ka mid ah gobolka Mudug oo iyaga hoos taga in la doonayo maamulkan gobolada dhexe in lagu daro. 

 Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!