Puntland oo sheegtay in ay dishay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

by wadani | Saturday, Dec 3, 2016

Boosaaso :HN :-Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada taabcsan ururka Daacish ee muddada 37-ka maalmood ah gacanta ku haysa magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Yuusuf Max’ed Waceys oo hoggaaminaya weerarka ku wajahan Qandala ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay in saaka dagaal dhexmaray ciidamada maamulka iyo maleeshiyada Daacish ayna dileen 7 maleeshiyo ah.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa sheegay in ay doonayaan in Maleeshiyada daacish ay ka saaraan qeybaha ay ka joogaan Gobolka Bari,waxaana uu ka gaabsaday inuu Faah-faahiyo Khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!