Puntland oo sheegtay in aysan jirin garoon ay xayireen

by admin | Friday, Sep 26, 2014

Garoowe : HN :– Mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland aya waxba kama jiraan ku sheegay war ka soo yeeray maamul gobolleedka Puntland oo sheegay in Puntland xayiraad ku soo rogtay garoon ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa dhowaan ku eedeeyey maamulka Puntland inuu xayiraad ku soo rogay garoon maamulkiisu uu ka sameystay koonfurta Gaalkacyo isagoo arintaasna ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa si kulul u beeniyay hadalka Cabdi Qeybdiid, isagoo xusay inuusan jirin garoon dayuuradeed oo maamulkiisa uu xanibay.

“Ma jiro garoon dayuuradeed oo aan xayirnay, garoonka Galmudug ay ka dhisatay koonfurta Gaalkacyo iyagaa u madax banaan wayPuntland dhisan karaan xaq beyna u leeyihiin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo la hadlayey VOA-da.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Cabdi qeybdiid in uu eedeynta noocaas ah ka lahaa dano gaar ah, isagoo ku eedeeyey inuu doonayo colaad inuu ka dhex abuuro shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo.

“Garoonka dayuuradaha woqooyiga Gaalkacyo ayaa anagu masuuliyadiisa na saaran tahay, gorgortana ka geli meyno shacabka Soomaaliyeed oo dhan baa adeegsada diyaar baanu u nahay inaan Galmudug kala xaajoono amniga garoonka iyo habsami u socodkiisa” ayuu intaa ku daray wasiirka .

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan ka jiray xiisad u dhexeysa labada maamul oo ku saabsan garoonmada halkaas ku yaala, iyadoo hadalkan ka soo yeeray maamulka Puntland laga yaabo inuu qaboojiyo xiisada labada maamul ka dhex aloosan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!