Puntland oo sheegtay in dastuurka gobollada dhexe horseedi karo dagaal

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Garoowe : HN :–Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid dastuurka cusub ee dhowaan lagu ansixiyay shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, maamulkan ayaa loogu yeeri doonaa Galmudug State.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dastuurkan uu tilmaamayo xuduuda Gobolka Nugaal, taasna ay tahay mid nasiib darro ah, isla markaana Puntland horay u cadeysay in Gobolka Mudug, waqooyigiisa, barigiisa iyo galbeedkiisu yahay dhulkooda.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shirka lagu dhisayo Cadaado uu yahay mid horseedi doona dagaal ka soo cusboonaadaCoat_of_Arms_of_Puntland1 dadka deriska ah nabadda ku wada nool, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

Waxaa kaloo Puntland ay sheegtay in Mas’uuliyadda dhibaatada ka timaada deegaanadaas inay qaadi doonto dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku eedeeysay inay hormuud ka tahay arrimahaas.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in nidaamka federaalismka laga weeciyay wadadii uu ku socday oo ay heshiis ku ahaayeen Umadda Soomaaliyeed, lana doonayay in loogu gudbo nidaaka awooda xoogga badan dowladda Dhexe, kaasoo laga dhaxlay bur burkii Qaranimada Soomaaliya.

Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa la filayaa in dhowaan la dhameystiro, iyadoo xalay la soo saaray liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, kuwaasoo dhowaan soo dooranaya Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!