Puntland oo sheegtay uu fashilmay shirkii hiigsiga 2016 ee Muqdisho ku soo dhamaaday

by wadani | Thursday, Dec 17, 2015

Maamul gobolleedka Puntland oo war ka soo saaray shirkii ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho ee laga soo saaray war-murtiyeedkii ka koobnaa 7 qodob, iyaga oo ku tilmaamay shirka uu ahaa mid fashil ku soo dhamaaday.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland C/llaahi Max’ed Jaamac [Quraan-JeCabdullaahi-Maxed-Jaamac-Quraan-Jecelcel] ayaa sheegay in shirkii ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho wax hishiis ah lagu gaarin, madaama leysku darray ayuu yiri labadii qodob ee leysku hayay ee kala ahaa in doorashada lagu gallo hab deegaan ama 4.5.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in dhamaan qodobadii ku qornaa war-murtiyeedka ahaayeen kuwa aan leysku afgaran oo wali dhimin in leysla meel-dhigo,  madaama ayuu yiri aan lagu hishiin wali nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2016ka.

Hishiiska qodobada ugu cul-culus loo dhigtay in looga wadda hadallo shirka Janaayo ka dhacaya magaalada Kismaayo oo lagu sii lafa-guri doonno qodobada doodda ugu weyn ka taagan tahay. gaar ahaan in leysla meel dhigo nooca doorashada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!