Puntland oo si adag uga hortimid go’aankii guddiga xalinta khilaafaadka

by wadani | Thursday, Dec 15, 2016

Garoowe : HN :-Guddiga Doorashooyinka maamul gobolleedka Puntland ayaa si cad u diiday Go’aankii Shalay ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ahaa in 11 Xildhibaan oo ka mid ah Aqalka hoose ay si Musuq Maasuq ah ku soo baxeen islamarkaana ay ku amreen in dib loogu laabto Doorashadaas.

Guddiga Doorashada Puntland ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka uusan quseyn islamarkaana Doorashadii ka dhacday Puntland ee Labada Aqal lagu soo doortay ay si caddalad ah u dhacday oo aysan jirin Doorasho kale oo ay dib ugu laabanayaan.

11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka uu laalay ayaa Puntland waxaa uga jira Labo Xildhibaan oo Magaalada Garowe lagu soo doortay.

Ugu danbeyntii, siddoo kale waxaa go’aanka guddiga doorashada qaadacay maamulka K/galbeed oo shalay soo saaray qoraal ay ku diidan yihiin, kaddib markii shan ka mid ah xildhibaannada leys hortaagay laga soo doortay Baydhabo .

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!