Puntland oo si dhaw ula macaamileysa hay’addaha caalamiga ah

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Garoowe : HN :– Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa muuqata xiligan mid galaan-gal hoose la yeelaneysa hay’addaha caalamiga ah iyo waliba dowladdaha taageera Soomaaliya. waxaana Puntland ay qorsheyneysaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay la leedahay hay’adaha,sida waxaa lugu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.

Qorshaha dowladda ayaa ah siddii ay u heli lahayd deeqaha ay hay’adaha caalamiga ah ugu tala-galeen Soomaaliya, iyadoo aan loo soo marin dhica dowladda dhexe.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay inta badan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah oo ay waheliyaan xubno ka socda Midowga Yurub.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha Puntland in ay doonayaan siddii loo taageeri lahaa dhinaca amniga, Caafimaadka, Waxbarashada iyounnamed5 adeegyada kale ee bulshada.

“Madaxweynaha ayaa sheegay si loola dagaallamo argagixisada caalamiga ah ee al-Shabaab loo baahan yahay in European Union ay taageeraan ciidamada difaaca ee dawladda Puntland oo ubaahan qalabeyn ciidan, taakuleyn dhinaca gaadiidka ciidanka iyo saanada kale ee milatariga iyo weliba in la siiyo ciidanka tababaro caalami ah,”ayaa lugu yiri war ka soo baxay kulan ay madaxtooyada ku qaateen madaxweyne Gaas iyo madaxa shaqaalaha Midowga Yurub Mr. Kenneth Dean .

Mr. Kenneth Dean ayaa dhankiisa sheegay in European Union diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda Puntland islamar ahaantaana tilmaamay in xafiiskooda EU CAP-NESTOR ay ka furanayaan magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, xafiiskaasi oo ka shaqeyn doona isku xirka iyo wada shaqeynta European Union iyo dawladda Puntland.

“Puntland waxaan ka taageerayna qodobada muhiimka ah ee u madaxweynaha noo soo bandhigay,sid dhaqso ah,”ayuu yiri Kenneth Dean.

Puntalnd waxaa ay u sheegtay Midowga Yurub muhiimada ay leedahay in Puntland ay hesho saamigeeda dhaqaalaha European Union ay ku taageeraan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!