Puntland oo si kulul uga soo horjeesatay mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubbaland

by admin | Monday, May 25, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa xad-gudub ku sheegay mooshinka hor-yaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweyne Gaas oo la la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu ka digay in aan la kicin xasaasiyad Soomaali kala geynaya, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay shaqadooda u taal qabsadaan, halkii ay ku mashquuli lahaayeen Jubbaland.

“Horayna waa uga hadlay, Madaxtooyadana qoraal ka soo saartay, Golaha wasiiradana waa ka shireen, waxaa u arkaa MooshinkaasGaassas mid Gardaro ah, waxaa lagu heshiiyay dowlad federaal ah, dadkaas maamul bey dhisteen, waxay aheyd in la taageero”ayuu yiri C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso

Waxaa uu intaa raaciyay “Baarlamaanka haduu shaqo qabanayo shaqo u taalo howlihii loo igmaday bey waxba ka qaban labo sano iyo bar dowladda hada jirta wax xasaasiyad kicinaya, Soomaali kala geynaya in lagu mashquulo ma ahan, in Shiddo loo aado Jubaland aniga ma qabo”

Dhinaca kale Dr. C/wali Gaas oo wax laga weydiiyay xaalada amni ee Puntland ayuu sheegay in amniga uu wanaagsan yahay, isla markaana ciidamo isugu jira Birmad iyo Boolis ay sugayaan amniga gudaha ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay hadii uu Baarlamaanka meel mariyo mooshinka ka yaalla ay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka, isagoo si kulul u weeraray hab dhaqanka Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay in howshooda noqotay Mooshin ka qaad Mooshin u guur.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!