Puntland oo toogasho ku fulisay saddex ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Monday, Mar 16, 2015

Boosaaso : HN :–Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa maanta fulisay xukun dil ah, kaasoo ka dhacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Barri, iyadoo ragga la toogtay oo saddex ahaa lagu soo eedeeyay falal isugu jiray qaraxyo iyo weeraro ay ka geysteen magaalada Boosaaso.

Xassan Cismaan Aloore oo ah wasiirrka ammniga Puntland oo warbaahinta kula hadllayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in saddexda nin ee lagu toogtay Boosaaso ay horay ciidamada amniga gacanta ugu soo dhigeen.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab uu yahay dagaal aan dhamaaneyn, inta laga dabar-goynayo, waxaana uu292x219x2013105161132844734_201.jpg.pagespeed.ic.bmWPpixNX9 xusay in cid kasta oo ku cadaato inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab ay marinayaan sharciga sida uu yiri.

“Puntland waxay sharciga islaamka iyo qawaaniinta dalka ay marineysaa cid kasta oo ka tirsan Al-Shabab, waxay maanta Maxkamada fulisay dil toogasho ah, saddex ruux oo lagu kala magacaabo Max’ed Cabdi Axmed, Xaajow Sheekh Nuur Cismaan iyo Ismaaciil X/qaadir Jaamac”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in raggan ay ku lug lahaayeen falal qaraxyo iyo weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Raggan la toogtay ayaa sanad ka hor lagu qabtay magaalada Boosaaso, waxaana la xukumay 9-kii bishan oo Maxkamada ciidamada ee Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay.

Puntland ayaa horay dilal ugu xukuntay ragg ay ku soo eedeeyeen inay ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo inta badan dilalka ay ahaayeen kuwo si toos ah Maxkamadda ciidamada Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!