Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

by admin | Sunday, Nov 22, 2015

Garoowe : HN :–Eedeymo kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan Dagaalkii maanta dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Galmudug kaasi oo ka dhashay wado dhismo uu ka socday.

Maamulka Puntland ayaa sheegtay in Galmudug ay ka shaqeyneyso carqaladeynta amaanka deegaanada Maamulka Puntland, waxa uuna maamulka tilmaamay in dagaalka ay ku dhamaaden dad shacab ah.

Puntland waxa ay sheegtay in Ciidamada amaanka ka amarqaata Maamulka ay in mudo ah ka gaabin jireen inay iska cabin kuPuntland sameeyan Ciidamada Galmudug, balse maamulka ayaa farta ku goday in khasaaraha ka dhashay dagaalka ay ka bixin doonaan Jawaab degdeg ah.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland, C/casiis Jaamac Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu ka billowday weerar ay soo qaadeen ciidamada maamulka Galmudug, isagoo qiray in dagaalkaan uu ka billowday waddo laami ah oo laga dhisay Gaalkacyo.

“Wuxuu dagaalku ka billowday waddo Puntland ay ka dhistay Gaalkacyo, taasoo ka mid ahay mashaariic uu madaxweynaha Puntland ka waday magaalada, laakiinse dagaal ayaa waxaa nagu soo qaaday ciidamada Galmudug, khasaare dhimasho iyo mid dhaawacba wuu ka dhashay, waxaana rasaastu guryahooda ugu tagtay dadka shacabka ah,”

Dr. Maxamed Xuseen oo ah Agaasimaha Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa xaqiijiyay in Isbitaalkooda kaliya la geeyay dhaawacyada 43 qof, oo 33 ka mid ah ay rag yihiin.

Dhanka kale dagaalkan, ayaa sababay dhimashada toddobo ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 kale. 43 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Waqooyiga Galkacyo, halka Isbitaalka Guud ee Koonfurta Gaalkacyo la dhigay dhaawacyada 10 ruux.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!