Puntland oo weerarkii maanta ku tilmaamtay mid ismiidaamin ahaa

by admin | Monday, Apr 20, 2015

Garoowe : HN :– Kaddib shir jaraa’id oo uu goor dhaw ku qabtay magaalada Garoowe taliyaha qeybta booliiska gobolka Nuugaal” Axmed C/llaahi Samatar Leyli, ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu beegsaday shaqaallaha UN-ka uu haa mid ismiidaamin ahaa.

Taliyaha ayaa sheegay in tirada ku geeriyootay weerarkii is qarxinta ahaa ay gaarayaan todobo qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa ka danbeeyay ,waxaana uu tilmaamay in afar kamid ah dadka ku geeriyooday weerarkan ay ahaayeen ajnabi iyo seddex Soomaali.

Qof weerarka ismiidaamin ah geystay ayuu sheegay in uu saarnaa baska uu qaraxa helleelay, laakiin waxaa uu ka gaabsaday in qofkaQarax_Garoowe_Puntland_UN weerarka geystay uu ka tirsanaa shaqaallaha xarunta iyo in kale.

Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli ) ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu saarnaa gaariga ,waxaana taliyaha uu ka gaabsaday in ruuxaan is qarxiyay uu ka tirsana hay’adda shaqaalaheeda iyo in kale.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa loola cararay isbitalka weyn, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaa ka sii badato, waxaana wali gudaha magaalada Garowe ka socda baaritaanno dheeri ah oo la xiriira sida uu dhacay qaraxan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!