Puntland oo sheegtay in aysan raali ka noqon doonin dhismaha maamulka gobolada dhexe

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Garoowe : HN :– Iyadoo lagu howlan yahay dhismaha maamul loo sameeyo gobollada dhexe, gaar ahaan gobollada Galgauduud iyo Mudug, ayaa waxaa arrintaa siweyn uga soo horjeedsatay maamul gobolleedka Puntland oo sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin dhismaha maamulkaas.

Wasiirrka wasaaarrada warbarashada maamul goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in ay waddaan qorshayaal ay arrintaa uga hortagayaan,.

“Maamulka laga samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud iyo intii sharcigu waa faqi karo waa u furan tahay inay kucali_xaajiii darsadaan gobollada kale sida Hiiraan,ma jiro wax maamula oo la yiraahdo Mudug iyo Galgaduud,arrintaasi saxna ma aha qaynuunna  ma aha’’ ayuu mar kale yiri wasiirka.

“Umada Soomaaliya waxay u baahan tahay in la isu soo dhoweeyo, in la walaaleeyo iyo in ciddii maamul leh oo wax qabatayna maamulkeeda lagu garab istaago,ciddii maamul dhisanaysana la isugu tago sidii loo taageeri lahaa’’ ayaa hadalladiisi kamid ahaa wasiirka.

Ugu danbayn,maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore xiriirkooda kala laabtay dowladda Somaliya ,waxaana khilaafkii ugu danbeeyay xal looga gaaray booqasho uu raysul-wasaarihii hore ee Soomaaliya ku yimid magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!