Puntland” waa in la ballaariyaa wada hadallada dowladda federaalka iyo Puntland

by admin | Saturday, Oct 11, 2014

Garoowe : HN :– Maamul gobolleedka Puntland ayaa dalbatay in la bllaariyo lagana qeyb-galiyo Puntland wada hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Madaxweyne C/xakiin C/llaahi Camey oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada oo loo qabtay wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay inay lama huran-tahay wada-hadalada faderaalka iyo Soomaaliland inay ka qaby-galaan.

“Haddii an la ballaarin wada-hadallada Soomaaliland iyo dowladda faderaaka waxay u ekaanaysa shir beeled,shir qabiil,shirka waa shircamey danaha ummadda Soomaaliyeed looga hadalayo,waa shir an ka marmiin Puntland inay ka qayb-gasho,”ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si toos ah ugu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya inay doonayan ka qayb-galka wada-hadallada Soomaaliland iyo dowladda faderaalka.

Camay ayaa xusay danaha Soomaaliya inay muhiim-tahay Puntland inay wax ka ogaato,waxuuna qodobka ku sheegay inay ka mid tahay tabashada Puntland ee dhinaca faderaalka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!