Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii hotel Central oo loo qaaday dalka dibadiisa

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta oo Axad loo qaaday caafimaad dibada ah qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ilaa 13 ruux oo ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa dhaawacyada ayaa labo diyaaradood ay ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo loo qaaday dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Wasiiradda Caafimaad ayaa dhaawacyada loo qaadayay Imaaraadka ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay sheegeen in qaarkood ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa.

Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dhaawacyadan la geynayo Isbitaal ku yaal dalka isu tagadhaawacyo-280x175 Imaaraadka Carabta, waxaana ay xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay u dalabtay dadkan in xaalad caafimaad dibada loogu qaado, maadaama aan dalka wax looga qaban karin.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in codsiyo ay u gudbisteen dalal kale si adeegyo caafimaad oo dibadda ah loogu qaado tiro kale oo caafimaad dibadda ah u baahan.

Qaraxii ka dhacay Hotel Central ayaa waxaa ku dhintay ilaa sodon ruux, halka kontan kalena ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxyada ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo masaajid ku yaala Hotelka ku dukanayay saaladii jimcaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!