Qaar ka mid ah dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo dalka dib ugu soo noqonaya

by wadani | Tuesday, Nov 14, 2017

Muqdisho : HN :-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo 10 ka mid ah dhaawacyadii bishii October loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasooo xaaladooda ay soo wanaagsanaatay.

Dhaawacyadan ayaa la sheegay inay soo bogsoodeen, isla markaana ay heleen daryeel caafimaad, tan iyo intii ay ku sugnaayeen Isbitaalada Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa xalay Xaflad sagootin ah u sameeyay qaar ka mid ah dhaawacyada darnaa oo soo bogsooday, waxaana uu tilmaamay in daawada inta u hartay ay Muqdisho ku qaadan doonaan, maadaama ay ka baxeen xaaladii darneyd.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ku soo dhoweeyaan dhaawacyadan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga kaalinta weyn ee ay ka qaadatay gargaarka iyo gurmadka loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

“Waxaa u mahadcelineynaa dowladda Turkiga oo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaa dhaawacyadii darnaa ee horay dalka Turkiga loo qaaday aan maanta rajeyneynaa in 10 ka mid ah oo soo bogsaday inay dalka ku soo laabtaan”ayuu yiir Eng. Yariisow.

Dowladda Turkiga oo aheyd dalkii u horeeyay ee u soo gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishii hore ayaa helay daryeel caafimaad oo wanaagsan, waxaana badankood dadkii loo qaaday Turkiga ay yihiin kuwo dhaawacyadii soo gaaray ka bogsooday.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!