Qaar ka mid ah wadamada carabta oo taageeray howlgalka ka dhanka ah Xuudiyiinta Yaman

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Muqdisho : HN :–Qaar badan oo ka mid ah wadamada Carabta ayaa taageero u muujiyay dowladda Sacuudiga howl galka milateriga ee ay ka wado dalka Yemen, kaasoo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta oo mudooyinkan u dambeeyay waday duulaano ay ku qabsanayeen dalka Yemen oo dhan.

Telefishinka Al-Arabiya ee laga leeyahay Sacuudiga ayaa sheegay in dowladdaha Imaaraadka Carabta, Bahrain, Kuwait, Qatar, Jordan, Morocco iyo Sudan ayaa intuba sheegay inay diyaarado dagaal u dirayaan, si ay uga qeyb qaatana howl galka.

Sidoo kale Masar, Sudan iyo Pakistan ayaa iyana sheegay inay ka qeyb qaadanayaan howl galkan ay hormuudka ka tahay Sacuudigasaudi-officials, iyadoo maraakiib dagaal ay Masar u sii direyso gacanka Cadmeed.

Laakiin dowladda Cumaan oo ka mid ah dalalka khaliijka ayaan taageerin howl galkan, waxaana shir Wasiiradda Arrimaha Dibada Carabta ay ku yeesheen Sharma-Sheekh ay ka soo saareen baaq ay ku taageerayaan howl galkaas.

Afhayeen u hadlay Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan ay u qaadeen, si ay u difaacaan dowladda sharciga ah ee Yemen, iyadoo Xuutiyiinta lagu eedeeyay inay afgambinayaan Madaxweyne Haadi.

Sacuudiga ayaa sheegay in duqeymihii xalay ay ku bur buriyeen xarumo badan oo Xuutiyiinta ay lahaayeen kaasoo laga abaabulayay weerarada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo duqeynta, wuxuuna ka digay cawaaqibka ka dhalan kara.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka taageereyso dhinaca lojistikada iyo dhinaca wardoonka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!