Qaban-qaabada caleemo saarka Shariif Xassan oo ka socta Baydhabo

by admin | Sunday, Nov 30, 2014

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaa ay ka socoto qaban-qaabada munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka saddexda gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Ciidamada maamulka gobolka Baay e dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa halkaa ka wadda baaritaanno xoogan oo la doonayo sidda la sheegay in lagu sugo ammniga magaalada.

Xaafadaha Baydhabo ayaa waxay ciidamadu u baarayaan mid-mid, iyagoo galaya guri walba, halkaasoo ay ka raadinayaan hub iyobay waxyaabaha kale ee qarxa, inkastoo aysan jirin cid ay ciidamadu qabanayaan.

Dhanka kale, xarunta ADC–da Baydhabo oo ahayd madaxtooyada maamulka kale ee Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa waxaa tagay ciidamo tabacsan maamulka sedexda gobol, halkaasoo ay horay u joogeen ciidammo ka amar-qaata Madoobe Nuunoow.

Labada ciidan ayaa wada-deggen xarunta ADC halkaas oo ay horay fariisin ugu ahayd baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa la filayaa in ADC-da lagu qabto caleemo-saarka madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed, iyadoo ay hadda wada joogaan labada ciidan ee ka amar-qaata maamulka dhawaan la dhisay iyo kii horay Baydhabo u joogay ee lixda iyo saddexda gobol ka kala kooban.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!