Qaban-qaabada shirka IGAD oo siweyn uga soctay Muqdisho

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :– Magaalada Muqdisho waxaa siweyn looga dareemayaa soo dhaweynta iyo qaba-qaabada wafuud kala duwan ee ka imaneysa dalalka ku jira urur gobolleedka IGAD oo la fillayo in uu shir uga furmo mudo 20 sano ka badan kaddib magaalada Muqdisho.

Ammniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in saacadaha soo socdaCalamo-Igad-280x175 wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Jabuuti, islamarkaana uu horkacayo wasiirrka arrimaha dibada dalkaas Max’ed Cali Yuusuf ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga Jabuuti, ayaa la leeyahay waxaa xiggi doona wafdi ka socda dalka Koonfurta Suudaan oo markii ugu horeysay wafuud ka socta ay soo booqan doonaan magaalada Muqdisho.

Siddoo kale, waxaa iyagana la fillayaa in ay soo gaaraan caasimada isla maanta xubno wafdi ah oo ka socda dalalka, Itoobiya, Itoobiya, Kenya, Uganda, Suudan, iyo xubno kale.

Waxaa siweyn loo adkeeyay ammniga jidadka muhiim ah ee magaalada Muqdisho iyo hotelka la fillayo in uu shirka ka furmo maalinta beri ah oo ah hoteel ku dhaw sidda la sheegay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirkan ayaa noqon doona mid taariikhi waana markii ugu horeysay oo xubno ka socda urur gobolleedka IGAD oo heer wasiirro arrimo dibadeed ah ku shiraan Muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee militariga aheyd 1991-kii.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!