Qarax ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Bardaale

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Bardaale : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Bay, ayaa sheegaya in ugu yaraan lix  xubnood oo ka tirsan xarrakada Al-shabaab ku geeriyoodeen qarax ka dhacay dulleedka degmadaas.

Max’ed Isaaq Carra-case oo la hadllay VOA-da ayaa sheegay in halka uu qaraxa ka dhaacay lagu magacaabo Bakale ayna 30-km u jiro degmada Bardaale.

“Qaraxa waxaa ku dhintay lix qof oo Al-shabaab ka tisran oo waddo aanu ku soconnay dhigayay miino, dhammaantoodna waxayAl-shabaab-Somalia ahaayeen saddex qof oo qaraxa dhigayay iyo saddex kale oo la jooga,” ayuu yiri Carra-case oo intaas ku daray in qaraxan uu ahaa mid la doonayay in iyaga lagu dilo.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM iyo isaga ay ku socdeen Bardaale markii uu qaraxu ka dhacay deegaankaas, isagoo xusay in Al-shabaab uu haatan dagaalkoodu ku soo koobmay miinooyin ay waddooyinka dhigaan.

Mar uu ka hadlayay Carra-case xaaladda degmada Baraadle ayuu sheegay in xaaladeedu ay aad u wanaagsan tahay inkastoo uu xusay inaysan jirin wax kaalmo ah oo ay dowladdu shacabka ku nool degmadaas.

“Xaaladda degmadu way wanaagsan tahay, shacabka iyo maamulku oo is-garabsanayaya waxay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-shabaab, balse weli dhibataooyin dhinaca nolosha ah ayaa degmada ka jira,” ayuu Carra-case ku yiri wargeysigiisa.

Illaa hadda wx hadal ah kama soo saarin Al-shabaab lixda qof ee la sheegay inay xoogag-gooda ka tirsan yihiin ay ku dhinteen qarax maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Bardaaale ee gobolka Bay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!