Qarax gaari lagu soo xiray oo saakay ka dhacay meel aan ka fogey xarunta hay’adda UNDP

by wadani | Wednesday, Jan 4, 2017

Muqdisho : HN :- Waxaa goor dhaw qarax lagu soo xiray mid ka mid gaadiidka ay adeegsato Hay’ada UNDP ee magaalada Muqdisho laga maqlay gudaha garaash ku yeela meel aan ka fogey xarunta hay’adda UNDP.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaan Hilux ama Qooqan ayaa lagu soo xiray qarax waxaana gaariga xalay uu ku hoyday garaash ku yaala agagarka KM-4 iyadoona saakay markii la geeyay xarunta hay’adaasi uu qarxay.

Inta la ogyahay afar kamid ah ciidamada kambaniga ilaaliya xarunta UNDP ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana hada socda baaritaano lagu ogaanayo waxa uu ahaa qaraxaasi iyo halka gaariga lagula soo xiray.

Ugu danbeyntii, gaariga qaraxa lagu xiray waxaa lahaa mid kamid ah saraakiisha Soomaalida ee ka shaqeeya Hay’ada UNDP , waana qaraxii ugu horeeyay ee xaruntaasi ka dhax dhaca tan iyo waxii ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xaruntaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!