Qarax goor dhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ka soo horjeeda hotel Centeral

by admin | Tuesday, Apr 21, 2015

Muqdisho : HN :– Inta la xaqiijinayo ilaa 11 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kaddib qarax xoog oo loo adeegsaday gaari oo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ka soo horjeeda hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay la sheegay in loo adeegsaday gaari la soo dhigay goob lagu shaaho oo ka soo horjeeda hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobtaas lagu arkayay, iyadoo qaadaya maydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxan ooSomalia al-Shabab firirkiisu ay gaareen meelo fog, waxaana goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacayay dad aad u fara badan oo qaarkood cunteynayay.

“Waxaan illaa hadda qaadnay maydadka 11-ruux iyo dhaawaca labaatameeyo kale, welina wuu socdaa gurmadkii aan u fidinayay dadka ay dhibaatadu soo gaartay,” ayuu yiri mid ka mid ah darawallada wada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Hotel Central ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada iyo dhaawacyada xubno ka tisran dowladda federaalka Somalia iyo shacab halkaas salaad ku tukanayay.

Wixii warar ah waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!