Qarax goor dhaw ka dhacay Suuqa weyn ee bakaaraha magaalada Muqdisho

by Somali | Thursday, Dec 6, 2012 | 26 views

Muqdisho : HN  :   Inta la og-yahay ilaa 13 ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qarax goor dhaw ka dhacay gudaha suuqa weyne ee bakaaraha, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo dahabka.

Dadka dhaawacmay ayaa u badnaa haween xiligaan ku sugnaa gudaha qeybta dahabka ee suuqa, waxaana ay saraakiisha ciidamada sheegeen in aysan jirin cid qaraxa ku dhimatay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday goobtaas oo ay ku badnaayeen dad shacab ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in xiligan qaraxu uu dhacay ay joogeen halkaa ciidamo ka tirsan dowladda oo loo maleynayo in la bartilmaameedsaday.

Suuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa nabad-galyadiisa gacanta ku haya dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ka howlgalaan ciidamo baliis iyo nabad-sugid isugu jira, kuwaasoo saldhigyo ku dhax leh suuqa.

Laakiin iyadoo ay taa jirto ayaa haddana dhinaca kale marka la eego waxaa gudaha suuqa ka dhacay falal amaan darro oo isugu jira qaraxyo iyo waliba dilal lagu beegsanayo ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!