Qarax goor dhaw ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

by wadani | Monday, Sep 11, 2017

Muqdisho : HN :-Wararka xiligan naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax gaari.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay dhanka degmada Waaberi, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya qaraxa.

 Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan gaariga qarxay in wadada uu socday, halka warar kalena ay sheegayaan in goobta la soo dhigay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa riday rasaas fara badan.

Gaadiidka gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!